Madaxda cusub ee dowlad Goboleedka Puntland iyo qaar ka mida madaxdii hore ee degaanadaasi ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hakiso oo dib u dhigto inta la isaga imaanayo arrimaha Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in go’aankaasi lagu gaaray kulan ay yeesheen madaxda cusub ee Puntland iyo qaar ka mida madaxdii hore, wuxuuna War-saxaafadeedka u qornaa sida soo socota:
GAROWE, January 11, 2024
Shir wadatashi oo ay Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Said, Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad.
Shirka waxaa lagu lafa guray xaaladda amni iyo siyaasaddeed ee guud ahaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland, waxaana ka soo baxay.
1. Shirku wuxuu ugu baaqayaa qaybaha bulshada Reer Puntland in ay adkeeyaan, kana wada shaqeeyaan midnimada, nabadda iyo dowladnimada Puntland,
2. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammeystirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya laga wada hadlo, lana hakiyo tillaabooyinka socda inta laysaga imaanayo.