Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay inaysan weli helin lacagtii ay Dowldda Federaalka sheegtay in la siinayo maamul Goboleeyada si ay ula dagaalamaan Cudurka Coronavirus.
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland C/naasir Yuusuf Xaaji Xersi ka mida Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka COVID-19 ayaa caddeeyay inaysan jirin wax lacag ah oo uga timid dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax Lacag ah oo dowladda Federaalku soo garsiisay maamulkooda.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa shaaciyey dhowaan inaysan wax lacag ah kusoo dhicin khasnada maamulka Jubbaland, mar kastana ay hubiyaan, iyadoo degaankaasi laga helay dadkii ugu horeeyay ee qaba cudurka Coronavirus.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in maamul Goboleedyada la siinayo lacag dhan Hal milyan oo doolar si looga taageero dagaalka lagula jiro faafitaanka Coronavirus.