Maamulka Puntland ayaa mar ku bixiyey in la xiro laba iskuul oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxayna sidoo la amray in maxkamad lasoo taago madaxda iyo milkiilayaasha dugsiyadaasi.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Puntland oo uu ku saxiixnaa Wasiiru dowladha , ahna sii-haya xilka wasiirka C/laahi Hassan Roble ayuu ku maray in la xiro a dugsi ee kala ah: Somali International Secondary School iyo Abdullahi Yusuf Secondary School, waxaa sidoo kale loo digay iskuullo kale.
HOOS KA AKHRISO AMARRADA WASAARADDA
Wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:
1. In la xiro labada dugsi ee kala ah Somali International Secondary School iyo Abdullahi Yusuf Secondary School oo kuyaal magaalada Galkacyo maadaama Dugsiyadaas ku kaceen nidaam baal marsan hannaanka waxbarshada dawladda Puntland laguna dhuminayo ubadka reer Puntland.
2. In waalidiintu ay ubadkooda gaystaan dugsiyada rasmiga ah oo ay dawladda Puntland aqoonsan tahay iyagoo kaashanaya guddoonka waxbarashada ee Gobolka Mudug
3. In caddaaladda la horkeeno mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo cidkasta oo qayb ka ah burburinta nidaaamka Waxabarashada dawladda Puntland.
4. Waxaa aqoonsigii lagala laabtay dugsiga sare ee Afrika, maaddaama uu baalmaray nidaamka waxbarashada. Waxaa keliya oo loo oggol yahay inuu ku shaqeeyo Dugsi H/dhexe ahaan.
5. Waxaa digniin kamadambays ah la siinayaa Maamulka dugsiga H/dhexe sare ee Cali Mataan. Waxaa la farayaa maamulka dugsiga iyo Guddoonka Waxbarashada gobolka Mudug in laga saaro ardayda sharci darrada ku dhiganaysa fasalka laad ee dugsiga sare. loona reebo ardayda dhab ahaan soo dhamaystay Fasalka Saad.
6. Waxaa si kumeelgaar ah looga joojiyey gudoomiyeyaasha waxbarashada heer gobol iyo heer degmo bixinta aqoonsiga dugsiyada cusub inta laga soo saarayo habraaca cusub ee diiwaangalinta dugsiyada
7. Waa in aan 45 arday ka badan la fariisin fasal kasta si loo ilaaliyo tayada waxbarashada Haddaba dugsiga baalmara arrintan wasaaraddu tallaabo ku habboon ayey ka qaadi doontaa.
8. Gobolka Mudug waxaa loo joogtayn doonaa kormeerka io dabagalka iyadoo loo xilsaari doono khubaro Waxbarasho oo saldhig ka dhigata Magaalada Gaalkacyo.
