Monday, June 23, 2025

Puntland oo bilowday olole ka dhan ah dowladda Qatar. [Dilkii agaasimaha Dekadda Boosaso & Saameynta UAE]

Maamulka Puntland ayaa shacisay inay soo bandhigeyso baaritaanka dilka agaasimihii Dekadda Boosaaso ee shirkadda Shirkadda P&O Ports Paul Anthony Farmosa oo Imaaraadku leeyahay, taasoo hoos tagta Shirkadda Kale ee DP World.

Qoraal Ingiriis lagu qoray oo Madaxtooyada Puntland kasoo baxay xalay ayaa lagu dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo warbixinta lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriirisay qarax 11-May 2019 ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso.

Puntland oo xiriir dhow la leh Imaaraadka ayaa u muuqata inay ka faa’iideysanayso arrinta soo shaac baxday culeyska lagu saarayo dalka Qatar oo asalkeeda la tuhunsan yahay inay ka timid Sirdoonka Imaaraadka Carabta, waxayna tani sii kordhineysaa loolanka dalalka Qatar iyo Imaraadka Carabta oo kala taageeri jiray dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Ad

Baaritanka ay sheegtay inay Puntland soo bandigi doonto ee ku saabsan weeraro ka dhcay magaalada Boosaaso, gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&O ee Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabi jriay Paul Anthony Farmosa ayaan la ogeyn in la siyaasadeyn doono iyo in kale, waxaana dilkaasi sheegatay Alshabaab, halka qaraxa lagu eedeeyay dowladda Qatar uu sheegatay ururka Daacish.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON