Sunday, July 13, 2025

Puntland oo Dacwad Xasaanad ka qaadid iyo Xarig kusoo oogtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankeeda oo taageeray..

Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni ayaa  shaaciyay qorshe uu doonayo inuu xasaanadda xildghibaannimo uga qaado, kadibna dacwad culus lagu soo oogo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo hadda olole ugu jira in Sanaag ka mid noqoto Maamulka Khaatumo.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa Golaha Wakiilada Puntland looga codsaday inay fudeeyaan soo qabashada Cabdirashiid Cawl, kana qaadaan xasaanada, isagoo xilligan ah Xildhibaan xasaanad leh oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland asaga oo gudanaya xilkiisa ku xusan qodobka 105-aad ee Dastuurka dowladda Puntland wuxuu halkaan kugu soo gudbinayaa codsiga ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo ku kacay lugta kula jira fal dambiyeedyo cada cad oo uu ku waxyeeleynayo amniga guud ee Puntland.. Sida ka muuqata hadaladiisa iyo sawirradiisa uu ku faafiyay baraha bulshada isaga oo tuute ciidan xiran wuxuu wadaa abaabul ciidan” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf ayaa lagu soo eedeeyay inuu uu ku kacay fal dambiyeedyo waxyeelaynaya amniga guud ee maamulka Puntland,  islka markaana uu waday abaabul ciidan oo lidi ku ah amniga Puntland iyo kan gobolka Sanaag.

Waxaa lagu soo oogay dambiyada ku xusan qodobadda 221, 223 iyo 233 X.C.S, sidaas darteed ay tahay in xil ka xayuubin lagu sameeyo, si laamaha amniga loogu fududeeyo soo qabashadiisa, ayna Xeer-ilaalinta ugu sahlanaato dacwo ku oogistiisa. “Waxaan mar labaad codsanaynaa in xasaanada laga xayuubiyo Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta oo si toos ah loogu diray Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON