War kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland ayaa lagu amray dhammaan xisbiyada siyaasadeed inay hakiyaan wixii shaqo ah ee ay ka wadeen gudaha Puntland.
War saxaafadeed goor dhoweyd kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ku wargelineyso dhammaan ururrada iyo xisbiyada heerka dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada inay hakiyaan dhammaan wixii shaqo ah ee ay ka wadeen gudaha Puntland inta laga dhameystirayo siyaasadihii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa geedi socodka dimuqraadiyeynta iyo doorashooyinka Dalka.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
