Tuesday, June 24, 2025

Puntland oo ka hor timid Dalabkii Madaxweyne Farmajo [Daawo Jawaabta Xeer ilaaliyaha Puntland]

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyey dalab ka yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ahaa in shuruud la’aan lagu sii daayo xubno ka tirsan Guddiga dhismaha Wadadda Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Ow-Cusmaan oo caawa la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xubnaha lagu xiray magaalada Boosaaso loo heysto ku-xadgudunka Sharciga u yaalla Puntland, laguna dhaqi doono wixii uu sharciga arrintooda ka qabo.

Wuxuu meesha saaray in arrimaha u gaarka ah Puntland aysan ka hadli karin cid kale sida madaxda dowladda federaalka iyo cid kale, isagoo sheegay in xubnahaasi oo ku kala xiran Garowe iyo Boosaaso aan lagu soo xirin amar kasoo baxay madaxweynaha Puntland ee loo heysto arrimo sharci jebin ah oo ay ku eedeysan yihiin.

Warkan ayaa jawaan u ah dalabkii madaxweyne Farmaajo u diray Madaxweynaha Puntland oo telefoonka uu kula xiriiray, isagoo ka dalbaday in shuruud la’aan lagu sii daayo xubnaha madaxda ka ahaa mashruuca dib u dhiska Wadadda Boosaaso oo loo heysto lacag uu Guddigooda ka hela dowladda Federaalka Soomaaliya.

DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON