Sunday, July 13, 2025

Puntland oo Maxkamad lagu soo taagay Siyaasi caan ah & Odayaal ka hor yimid Madaxweyne Deni & Qorshaha Imaaraadka…

Waxaa maanta magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland Maxkamad lagu soo taagay Odayaal iyo siyaasi caan ahaa oo dhowaan loo xiray inay ka hor jeesteen Qorshs dowladda Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo Garoonka Boosaaso.

Odayaashan ayaa saaka la geeyay Maxkamadda degmada Boosaaso iyadoo lagu soo oogay dembiyo ay ka mid ayihiin inay khalkhal geliyeen Amniga iyo inay wadaan kicin ay dadka uga hor keenayaan Maamulka Madaxweyne Deni, waxayna maxkamadda mudeysay in dhageysta dacwadooda la bilaabi doono Axadda soo socota.

Odayaasha maanta kasoo muuqday Maxkamadda waxay kala ahaayeen: Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble,Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo) iyo Siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo muddo bil ah lagu hayay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON