Maamulka Puntland ayaa qaadacday shirka uu ku baaqay madaxweynaha maamulka Jubba ee magaalada Kismaayo ay ku yeelan lahaayeen madaxda maamul Goboleedyada.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi umar Camey ayaa sheegaya in qaabka shirka Kismaayo loo dhigay aanu ahayn mid maslaxad u haya umadda, kuna talinayo in shirkaasi dib loo dhigo.
Wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la wadahadalo oo khilaafka dowladda Federaalka iyo maamulada qaarkood laga wadaxaajoodo, wuxuuna si cad u sheegay in shirkaasi qaabka loo wado aanu munaasib ahayn oo uu yahay mid khaldan oo umadda Soomaaliyeed aanay jecleysan doonin.

Arrintan ayaan la ogeyn inay tahay mowqifka Puntland iyo go’aan uu iskiis u qaatay madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaana muuqata in qaabka shirka loo wado aysan ku qanacsaneyn madaxda Puntland.
Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa shirkan u baaqay, isagoo guddi qabanqaabo sameeyay, wuxuuna ka dambeeyay khilaafka ka dhashay arrinta Khaliijka oo maamuladda qaarkood ay gacan dhaafeen dowladda Federaalka.