Friday, July 11, 2025

Puntland oo Qoraal u dirtay Beesha Caalamka, kuna caddeysay Mowqifkeeda is-casilaadii..

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal ay u dirtay wakiilada Beesha Caalamka ku caddeysay inay ka go’an tahay sii wadidda Nidaamka Doorashada iyo Xisbiyada badan ee sanadkii hore ka bilowday 3 degmo oo ka mida Puntland.

Qoraalka oo jawaab u ahaa eedeyn maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Deni u jeediyey Guddoomiyihii is-casilay ee Guddiga Doorashooyinka Madaxa bannaan ee Puntland Guled Salah Barre ayuu hoggaanka Puntland ku xaqiijiyey inay ka go’an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, ayna ka xun yihiin is-casilaadda Gudoomiyihii Guddiga doorshda, taasina aysan waxba u dhimeynin shaqadii Guddiga.

“Madaxweynaha Puntland wuxuu 13 Janaayo 2022 la kulmay xubnaha Guddiga KMG ah ee Doorashada, wuxuuna kala hadlay dhammeystirka Golayaasha Degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo in hore loogu socdo doorashooyinka degmooyinka harsan..” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland u dirtay Beesha Caalamka.

Puntland waxay beesha caalamka uga mahad celiyey taageeradii ay ka geysteen hirgelinta Doorashada Golayaasha dowladaha hoose, ayna sii wadaan dhammeytirka degmooyinka harsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON