Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland ayaa shaaciyay qeybtii labaad kuraasta Golaha shacabka ee laga soo doorto degaanadaasi.
Qoraal kasoo baxay SEIT Puntland ayaa lagu faafiyey 11 kursi oo hor leh oo ka mida Kuraasta Golaha Shacabka Dowladda Federaalka Somaliya oo lagu qabanayo Puntland.
Kuraastan ayaa qeyb ka ah 37 kursi ee degaan doorashadoodu tahay Puntland, waxaana kaliya Puntland u harsan 16 kursi oo 15 ka mida lagu dooranayo magaalada Boosaaso.
Tirsiga Kuraasta
1- HOP014
2- HOP174
3- HOP 191
4- HOP192
5- HOP129
6- HOP075
7- HOP121
8- HOP221
9- HOP073
10- HOP 198
11- HOP 199
