Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta sagootin u sameeyay Wakiilkii Midowga Yurub ee Soomaaliya Michael Carvone oo ay u dhammaatay muddadii uu xilka hayay.
Kulanka sagootinta safiirka loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland ee garowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo wasiiro ka tirsan maamul goboleedkaasi.
C/weli Gaas ayaa Danjiraha Yurub guddoonsiiyey hadiyado ka kooban waxyaabaha ay hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, iyadoo loo saaray Koofi iyo Cimaaanad oo muuqaal cusub u yeeshay Michael Carvone.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay Michael Carvone inuu ahaa saaxiib gaara oo ay Puntland leedahay, isal markaana si weyn ula shaqeeyay.
Goobjooge.com