Madaxtooyada Puntland ayaa cambaareysay xayiraadda socdaal ee maanta la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxayna sheegtay inay arrintan dib u dhac weyn ku tahay geesi socodka siyaasadda Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa lagu sheegay in falka lagula kacay Shariif Sheekh Axmed uu jebinayo Dastuurka dowladda Federaalka, isla markaana ay tahay ku takrifal awoodeed iyo nasiib darro in madaxda dowladda Somalia ay siyaasad u isticmaalaan awooddaha dowladda dano gaara.
War-saxaafadeedka Puntland ayaa ahaa mid degdeg ah, wuxuuna soo baxay iyadoo aanu wax war ah weli soo saarin mas’uulkii ay arrintan qabsatay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.