Monday, June 23, 2025

Puntland oo xabsiga dhigtay Guddoomiyihii Guddiga Dhismaha Wadadda Boosaaso.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamda maamulka Puntland ay xabsi u taxaabeen Guddoomiyihii Guddiga Dib u-dhiska wadadda Bartamaha Boosaaso Sheekh Maxamed Macallin Axmed.

Xariga sheekha ayaa ka danbeeyay markii ciidamada ciidamada amniga magaalada Boosaso soo qabteen, isagoo ka mida xubno Maamulka Puntland ku eedeeyay inay lacag ka heleen dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo lagu taageeray dhismaha Wadadda Boosaaso, ayna diideen markii maamulka ka dalbaday inay ku wareejiyaan lacagtaasi.

Puntland ayaa hore u xirtay saddex xubnood oo ka tirsan Guddigaasi oo Khamiistii xabsiga loo taxaabay, waxayna madaxda Puntalnd diideen inay shuruud la’aan ku sii daayaan xubnahaasi, sida uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo telefoon kula xiriiray Madaxweynaha Puntand.

Waxaa maamulka Puntland hadda u xiran 4 ka mida Guddiga dhismaha Wadadda Boosaaso oo ay ku jiraan culimo, ganacsato iyo Injineer oo eeda loo heysto ay tahay lacagta kasoo gaartay dowladda Federaalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON