Friday, July 18, 2025

Puntland: Shan Beelood oo laga joojiyay Doorashada xildhibaanada Aqalka hoose [Akhri Qoraalka]

Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada soo saaray go’aan lagu joojiyay diiwaan gelinta ergooyinka doorashada aqalka hoose ee beelo ka tirsan Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga heer Puntland  iyo xubno ka mida Guddiga ayaa sheegay inay soo gaartay  dacwooyin badankood lid ku ah beelihii ergooyinkooda shalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Heer Puntland.

Guddiga ayaa amray guddiga doorashada dadban ee heer Puntland inaysan xareyn karin, lamana diiwaan gelin karin, isla markaana loo sameyn karin kaarar Aqoonsi, ilaa iyo inta go’aan kama dambeys ah uu kasoo baxayo guddiga khilaafaadka.

Beelaha laga joojiyay xareynta iyo diiwaangalinta ergooyinkooda waxay kala yihiin:

  1. Beesha Ciise Maxamuud
  2. Beesha Warsengali
  3. Beesha Dashiishle
  4. Beesha Cali Saleebaan
  5. Beesha Madhibaan.

20161101_13300620161101_133024

Go,aankan kazoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada 2016 ayaa imaanaya ka dib markii ay shalay shaaciyeen Guddiga Doorashadda Dadban ee heer Puntland in 5ta bishan November 2016  la qaban doono doorashadda Aqalka hoose ee Barlamaanka , islamarkaana ay bilaabayaan diwaangalinta iyo xaraynta  Ergooyinka 8 beelood oo dooranaya 12 Xildhibaan oo Puntland u matalaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5i2a7789
5i2a7792Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON