Wednesday, July 16, 2025

Q/Midoobay oo War kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb ee Madaxweyne Farmaajo ku baaqay

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay baaqii kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku baaqay inay magaalada Dhuusamareeb shir isugu yimaadaan madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska UNSOM ee siyaasadda Q/Midoobay ayaa lagu yiri: “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhusamareeb”

Q/Midoobay waxay ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nooca Doorasho ee 17-kii Sebtember 2020.

Shirka Dhuusamareeb ee madaxweyne Farmaajo ku baaqay ayaa loo qabtay inuu dhacayo 1 ilaa 3-da Febraayo 2021 xilli ay 5 maalmood ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON