Horjooge ka tiran Alshabaab ayaa isu soo dhiibay dowladda Federaalka, kaasoo go’aansaday inuu ka baxo kooxda oo uu ka mid ahaa muddo 16 sano ah.
Hay’adda NISA ee Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa shaacisay inuu dowldada u soo gacan galay xubin sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab, kaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay kooxda.
Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab looga yaqaan, Abuu-Saacid ama Shariif, ayaa isu dhiibay dowladda Federaalka, waxaana xilalka uu kasoo qabtay Al-Shabaab ka mida: Qaaddiga Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, Qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo La-taliyihii Amiirkii hore ee Alshabaab Axmed Godane.
Wuxuu kaloo noqday Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo ku-xigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab, isagoo ugu danbeyn goostay inuu isaga baxo Alshabaab.
