Sunday, July 13, 2025

Qaar ka mida Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo oo Gadood kala hor yimid C/weli Gaas

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo dhinaca raacsan Puntland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo gadoodsan ay la wareegaeen qeybo ka mid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, sida Kontaroolka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan oo gadoodka ku soo beegay xilli uu Gaalkacyo ku sugan yahay madaxweynaha Puntland ayaa la cabanaya mushaar la’aan haysata mudo dhowr bilood ah.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa xaaladda amniga Gaalkacyo kala hadlay qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada, wuxuuna ku ugu baaqay in la iska kaashado dib u soo celinta nabadgelyada magaalada oo dad waxgarad ah lagu dilay muddooyinkii ugu danbeeyay.

Ciidamada Puntland ayaa intooda badan sameeya gadood iyo tallaabooyin ay ku qabsadaan xarumaha dowladda si ay u muujiyaan xaaladda heysta iyo muhaar la’aanta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON