Sunday, June 22, 2025

Qaar ka mida Shaqaale Rayidka Dowladda Soomaaliya oo Mushaarka laga joojinayo

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa joojineysa mushaarka ay ka qaataan shaqaale u diiwaangashan dowladda, balse aan wax shaqo ah qaban.Arrintan ayaa ka mid ahayn qodobadii maanta looga hadlay  shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha uu hor geeyay golaha Qorshe iyo tirakoob ku saabsan shaqaalaha dowladda.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa Golaha wasiirada hor dhigay Liiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, tiradooda, tayadooda iyo shaqada ay qabtaan, wuxuun sheegay in in shaqaalaha u diiwaangashan Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ay ka badan yihiin 5000 shaqaale ah.

Wuxuu intaaas ku daray in dowladda ay mushaarka ka joojineyso shaqaale diiwaangashan oo aan shaqeyn kuwaas oo uu sheegay inay mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya. Waxaana uu shaqaalahaas lagu tilmaamay inay dhibaato ku yihiin hannaanka  sugnaanta Misaaniyadda dowladda sidaas darteedna dabagal lagu sameynayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON