Wednesday, June 25, 2025

Qaar kamida odayaasha & Qurbajoogta Hiiraan oo qaadacay inay tagaan Magaalada Jowhar

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Qaar ka m ida qurbajoogta Gobolkaasi ayaa magaalada Beledweyne ka sheegay inaan la isku raacsaneyn ka qeybgalka shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka furmi doona magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Dacar Xersi Nuur ayaa sheegay in reer Hiiraan ay u baahan yihiin wadahadal dheeraad ah oo dhinacyada kala duwan oo dhan isu imaanayana si ay talo mideysan u yeeshaan isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo go;aankii ay la qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in la tago magaalada Jowhar. Wuxuuna intaas ku daray inaysan ka horjeedin dowladda, balse inaysan dhoweyn in la isku daro Hiiraan iyo Shabeele sida uu yiri.

Tabane Sabriye oo qurbajoogta Hiiraan ka mida ayaa sheegay inay odayaal gaar ah oo la qasbay ay ogolaadeen inay tagaan Jowhar, wuxuuna sheegay in saddex oday ay ogolaadeen.

Wararka xogogaalka ah ee laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in cadaadis weyn ay wadaan qaar ka mida qurba joogta oo doonaya in la siiyo kharash ay sheegeen inuu ka galay shirarkii ay Beledweyne ku qabteen ama ay qaadici doonaan shirka Jowhar.

HOOS KA DHAGEYSO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON