Sunday, July 6, 2025

Qab-dhismeedka Maamullada Heer Gobol ee Alshabaab iyo Warshadaha Hubka iyo Qaraxyada (Daraasad)

Alshabaabka Soomaaliya oo ah kooxda ugu weyn ee hoostagta ururka Alqaacida ayaa leh hab maamul Goboleed u gaara oo loogu yeero ‘Wilaayaad’ oo ah magac luqada Carabiga laga soo qaatay iyo guddoomiye Gobol ‘Waalli’.

Sida dhowaan lagu qoray Daraasad uu Alshabaab kasoo saaray Machadka Hiraal ee xaruntiisu tahay Muqdisho, AlShabaab waxay Soomaaliya maamul ahaan u qaybisay 10 gobol. Gobolladaas mid kasta wuxuu leeyahay hanti u gaar ah oo uu u qoondeeyay hoggaanka sare ee guud.

Guddoomiyaha Gobollada ‘Waaliyadda wilaayaadka’ ayaan lahayn awood gaaar, waxaana howsha ugu badan qabta Maktabka sida wasaaradaha u sameysan ee Alshabaab oo howlwadeenadooda ka howlgalaan degaanada Alshabaab ka taliso.

Maktab kasta waxaa hoggaamiya Amiir leh howlwadeenno kaalmeeya oo si rasmi ah u deggan caasimadda AlShabaab ee Jilib.

Maktaatibta u dhisan qaabka Wasaaradaha ee xiriirka la leh nidaamka Hubka Alshabaab waxaa ka mida: Maaliyadda, Difaaca, Militariga (Jaysh), Booliska (Xisbah), Booliska sida Militari u tabarran (Fursan Xisbah), Maktabka Qaraxyada & Sirdoonka iyo garabka Amniga ee qarsoon (Amniyat).

Nidaamku guud ahaan wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay Maktabka Maaliyadda oo ururinta canshuuraha iyo maamulista Maaliyadda AlShabaab ay udubdhexaad u tahay suurtogalnimada hannaanka dakhli badan lagaga baado bulshada Soomaaliyeed kadibna loogu adeegsado cabsigelintooda, dilkooda iyo naafayntooda.

Dhinaca kale waxay awoodaan inay iyagu farsameystaan hubka yaryar iyo qaraxyada, Warshadaynta gudaha AlShabaab waxay leedahay awood ay ku warshadayso noocyo cayiman oo kamid ah rasaasta iyo walxaha qarxa si loo gu adeegsado howlgallada.

Maktabka Walxaha Qarxa (oo sidoo kale loo yaqaan tasniic, ‘warshadeynta’ waxaa la aaminsan yahay in uu ka kooban yahay ku dhawaad 65 qof, oo u qaybsan unugyo kala duwan, ta ugu ballaaran ay tahay soo saarista walxaha loo adeegsado qaraxyada iyo unugyada samaynta hoobiyayaasha

Waxay kaloo qeybta Warshadeynta masuul ka tahay soo saarista Gawaarida iyo Miinooyinka qaraxyada, VBIED-yada iyo walxaha qarxa ee howlgallada lagu fuliyo, sida Jaakadaha Qaraxyada is-miidaaminta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON