Monday, July 14, 2025

Qabanqaabada soo-dhoweynta Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka socota Koonfurta Gaalkacyo.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ka socota qabanqaabada soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo halkaasi ku wajahan kadib laba toddobaad oo uu ku sugnaa degaanada Galmudug.

Wafdiga Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa la socda wasiiro iyo xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka dowladda Federaalka, isagoo kulamo kala duwan magaalada Gaalkacyo kula yeelan doono mas’uuliyiinta iyo odayaasha magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladda Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, halkaasoo ay goobjoog ka noqon doonaan wareejinta ciidamo ku sugan magaaladaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON