Monday, July 14, 2025

Qaramada Midoobay oo Xarun weyn ka sameysaneysa Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaaa maanta gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobey xafiiskeeda Soomaaliya ee UNPOS.

Waxaa wafdiga hogaaminayey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar iyo xubno gaaraya 8 oo ka socda xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho, waxayna kormeer ku sameeyeen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo ilaa lix dhisme oo UN-ka la siiyay si ay uga doortaan xaruntii ay degi lahaayeen.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay inay Xafiis ka furanayaan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo wafdiga UN-ka uu ahaa hordhac qiimeyn ku sameynayay dhismaha xarunta UN-ka ku yeelanayo magaaladaasi.

Wadfiga dowladda Soomaaliya ayaa isna balanqaaday in dib u dhis lagu sameynayo garoonka Dhuusamareeb oo heerkiisu hooseeyo, iyagoo la kulmay Madaxa Xukumada Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON