Thursday, June 26, 2025

Qarax Bam oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Mas’uul toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in falal toogasho ah iyo Qarax ay ka dhaceen magaalada.

Qarax bam ayaa Caawa lagu weerarray ciidamo ku sugnaa agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu bamka oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhinaa kale dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa galabta degmada Wardhiigley ku dishay mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Masuulka ayaa lagu lagu Baar shaaha laga cabo waxaana magaciisa lagusheegay Siciid Kaarshe, iyadoo dableydii falka geystay uu goobta ka baxsaday.

Falalka amni darrada ayaa ka sii socda Muqdisho, inkastoo ciidamo badan ku sugan yihiin wadooyinka isla markaana la xiray wadooyin badan oo xaafadaha Muqdisho dhexdooda ah.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON