Qarax lagu xiray gaari uu watay mid ka mida macalimiinta ka howlgala Dugsiyada Waxbarashada magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyay.
Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Dharkeynley, gaar ahaan agagaarka Suuq Boocle, waxaana macalinka qaraxa lagu dilay magaciisa lagu soo gaabiyay Macalin Aadan.
Macalinkan ayaa ka shaqeyn jiray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Halgan oo ku taala degmada Dharkeynley. Lamana oga sababta loo beegsaday macalinka.
Maalmihii dambe waxaa si xowli ah ugu kordhay magaalada Muqdisho qaraxyada lagu dilayo dadweyne kala duwan iyo dilal khaarijin ah.
Goobjooge.com