War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qarax xoog leh goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadadda Afisyoone,. degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho
Wararkii ugu horeeyay ee soo baxa ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Miino dhulka la dhigay oo lala beegsaday Gaari ay wateen ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaan JET ee sida gaarka ah u tababarran, iyadoo lasoo weriyey inuu geystay waxyeello kala duwan.
Ciidamada ayaa la sheegay inay xireen goobta qaraxa Miino ka dhacay, Weli lama oga qasaaraha gaaray Ciidamada gaarka ah ee Booliiska Soomaaliya oo qaraxa lala eegtay.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA..