Saturday, August 13, 2022

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Marko iyo Guddoomiye caan ah oo lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay goor dhoweyd Qarax lagu dilay Guddoomiyihii degmadaasi.

Qaraxa oo is-miidaamin ahaa ayaa la sheegay inuu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qaraxa oo gudaha u galay xarunta maamulka, waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhintay Gudoomiyihii Degmada Marka Cabdulaahi Cali Waafoow.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa geystay qasaare badan, waxaana dadka dhintay lagu sheegay inay ka badan yihiin 10 qof, iyadoo dhaawacuna intaa ka badan yahay.

Ad

Alshabaab ayaa si degdega u sheegatay qaraxa lagu dilay Guddoomiye C/llaahi Waafow oo ahaa nin awood badan ku leh degmada Marko iyo Gobolka Sh/Hoose, isla markaana la dagaalamay Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON