Saturday, August 13, 2022

XOG CIIDAN: Ciidamada Liyuu Police oo in ku dhow 100 Alshabaab ah ku dilay Aagga Feerfeer

Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaaciyey inay ku dhowaad 100 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya dhinaca Feerfeer ee xuduudka Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo dhacay Isniintii iyo wixii ka danbeeyay, ayaa war ay baahisay Idaacadda dowladda Itoobiya lagu sheegay in qasaare weyn la gaarsiiyay, lana jebiyay maleeshiyadii Alshabaab, kadib dagaalladii ka dhacay agagaarka Feerfeer.

Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Dhinaca kale ee Alshabaab ayaan wax war ah kasoo saarin dagaalladii ka dhacay degaanka Feerfeer.

Ad

Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa laga dilay dagaalkan.

Mid ka mid ah dadka ku nool Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab dib loogu soo celiyay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii ka dhacay Itoobiya Isniintii.

Weerarada Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada ku dhow xuduuda Itoobiya ay la wadaagto Soomaaliya ayaa ah ka kala dhacay Gobollada Afdheer iyo Shabelle ee dowlad degaanka Soomaalida, waana kuwii ugu horeeyay ee Alshabaab ku qaado degaankaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON