Sunday, July 13, 2025

Qarax Is-miidaan ah oo ka dhacay Baardheere & Alshabaab oo sheegtay inay dishay Askar Itoobiyaan ah

MWararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu qarax xoog leh ka dhacay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday bar ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin halka laga soo galo magaalada, waxaana sheegtay kooxda Alshabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, Alshabaab ayaa sheegatay in qaraxa oo is-miidaamin ahaa ay ku dhifteen Saldhigga Ciidmada Itoobiya ee ADC, iyadoo ay ku dileen askar Itoobiyaan ah oo gaaraya 18, sida ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Itoobiay ay gaariga joojiyeen, kuna amreen Darawalka in uu kasoo dego, balse intii la sugayey uu is qarxiyey, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen laba askari oo Itoobiyaan ah iyo laba qof oo shacab ah. sidoo kale waxaa gudaha magaalada ku dhaawacmay saddex qof oo firir kasoo qaaray qaraxa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON