Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Qarax miino uu ka dhacay degaanka KM 13 ee duleedka magaalada.
Qaraxa lo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee la hago ayaa ku qaraxday Gaari nooca raaxada ah, waxaana ku dhintay laba qof oo gaariga saarnaa, halka ay ku dhawacmeen laba kale, sida ay sheegeen dadka degaankaasi, halka warar kale ay sheegayaan in dhimashadu ay gaartay saddex qof.
Dadka la qarxiyay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah. Waxayna wararku sheegayaan in dadka qarax ku dhintay ay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta tegay iyadoo baaritaano ka sameeyay goobta qaraxu ka dhacay, iyadoo aanay jirin cid lagu soo qabtay.