Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada iyadoo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mida caasimadda.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla wadadadda sida weyn loo ilaaliyo ee Maka Almukarama, waxaana wararkii ugu horeeyay ee qaraxa laga helo ay sheegayaan inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qarax ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana wararku sheegayaan in dadka ku dhintay ay gaarayaan 8 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 10 qof. Hay’adda Gargaarka Amiin ayaa xaqiijisay inay qaaday afar dhaawac, saraakiisha Booliska ayaa laga soo xigtay inay qaraxa ku dhinteen 5 qof.
Qasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inuu sii kordho, waxaana goobjoogayaal ka ag dhowaa Hotelka Weheliye ay sheegeen in qaraxa uu geystay khasaare naf iyo maal leh, waxaana xusid mudan iyo rasaas badan oo ay fureen ciidamada qaraxa kadib ay waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah.
Waxaa qaraxa ku burburay bur-buray hanti badan, iyadoo ay halkaasi gaareen Gawaarida gargaarka, waxaana gebi ahaan la xiray Wadadda.