Friday, July 11, 2025

Qarax ka dhacay Jowhar iyo Mas’uuliyiin Dhimasho iyo dhaawac ku noqday (Faahfaahin)

Qarax Miino oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Waxaa qaraxa ku dhintay laba qof, iyadoo laba kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Maareeye ku-xigeenka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar Mahad Muxidiin Calasow.

Waxaa kaloo Qaraxa ku dhaawacmay taliyaha ciidamada booliska Garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyo askar ka tirsan ciidamada amniga, sida uu sheegay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtaar Abuukar Macalin.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhawaacmay la geeyay Magaalada Jowhar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON