Qarax ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM 4 oo ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo Goobo ganacsi oo waaweyn.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa uu qabsadaymid ka mida Gaadiid kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin, waxayna gaadiidkaasi ka yimaadeen Trebuunka, wadadda C/qaasim, iyadoo ku soday dhinaca Zoope.
Qaraxa ayaa dhaliyay qasaare kala duwan, waxaana cirka isku shareeray Qiiq iyo uuro uu dhaliyay, iyadoo ciidamada ATMIS ay rasaas badan fureen markii uu qaraxa ka dhacay kadib.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qaraxa iyo waxa uu ka dhashay, waxaana hadda xiran Wadooyinka soo gala Isgoyska KM 4.