Sunday, July 13, 2025

Qarax ka dhacay Saldhigii Af-urur ee dhowaan ay weerarreen kooxda Alshabaab

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay agagaarka Saldhigga Af-urur ee dhowaan ay weerarreen kooxda Alshabaab.

Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meel fog laga hago ayaa xalay dhaawacay laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha maamulkaasi.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo dhowaan saldhiggaasi lagu dilay in ka badan 45 askari oo ciidamada Puntland ka tirsan, iyadoo la sheegay in Puntland ay isu diyaarineyso weerar xoog leh oo lagu qaado buuraha Galgala ee Shabaabku ku xooggan yihiin.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON