Wednesday, June 25, 2025

Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho & Rasaas ka socota Hotelka Naasa-hablood 2

Qarax labaad ayaa ka dhacay agaagarka hotelka Naasa-hablood 2 ee uu qaraxii hore ka dhacay, waxaana la maqlayaa rasaas xoog leh.

Qaraxa  labaad ayaa mid xoog leh ,waxaana laga maqlay inta badan magaalada, Wararka ayaa sheegaya in qaraxa labaad isna lala beegsaday isla hotelka hore loo qarxiyay oo gurmad ka socday, isla markaana rasaas ka dhaceyso, iyadoo ay gudaha u galeen dabley Alshabaab ka tirsan.

Xaalada ayaa cakiran iyadoo isku dhex yaac weyn uu goobtaka jiro, waxaana weriyeyaashii ugu horeeyay ee goobta gaaray ay soo weriyeen inay qaraxii koowaad ku dhinteen in ka badan 10 qof, tiro ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Waxaa weli socda rasaas ka dhaceysa goobta qaraxa ka dhacay, mana jiraan faahfaahin ku saabsan waxa socda, iyadoo ciidamada ammaanka ay ku jaha-wareersan yihiin xaaladda,. inkastoo la xiray goobta ku xeeran agagaarka hotelka.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON