Monday, June 23, 2025

Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, Magaalada Muqdisho, waxaana dadka degaanka ay  sheegeen in Miino dhulka lageliyo lagu qarxiyay gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas fureen markii uu qaraxa qabsaday, waxaana jira warar sheegaya in gaari ka mida kolonyada AMISOM ay waxyeelo soo gaartay, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha gaaray askarta AMISOM.

Degaanka suuqa xoolaha ayaa ka mida meelaha qaraxyda ugu badan ee Muqdisho loo dhigo ciidamada AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON