Sunday, July 13, 2025

Qarax lala beegsaday AMISOM oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax culus oo is-miidaamin ah ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir.

Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu ahaa qarax gaari laga sooo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo halkaas marayey xilliga qaraxu dhacay.

Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayuu dhaliyay qaraxa, iyadoo wararku sheegayaan in Gaariga is qarxiyey uu noociisu ahaa NOAH. Waxaa qasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaaray dad shacab, ilaa laba qof ayaa ku dhintay, inta la xaqiijiyey, waxaana ku dhaawacmay 5 kale.

Faahfaahinta qaraxa ayaa hadda soo baxeysa, iyadoo ay goobtaasi xireen ciidamada Amniga, waxaana socda gurmadka dadka waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON