Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd ka dhacay qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsna ciidamada AMISOM.
Qaraxa ayaa ka dhacay Ex, Kontrol Balcad, waxaana laga maqlay inta badan magaalada iyadoo la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso, taasoo lagu qarxiyey Gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas fara badan.
Wararkii ugu horeeyay ee laga helay dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay qasaare, waxaana laga cabsi qabaa in sidoo kale ay waxyeelod dhaliso rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…