Monday, July 14, 2025

Qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Puntland oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey, Gobolka Bari

Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ku dhaawacmeen,  markii ay ku qarxday miino dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa ka qabsaday Gaari ay wateen ciidamada Puntalnd xilli ay hawlgal socod ah ku marayeen Togga Bali-khadar ee u dhow Buuralayda Galgala oo ay ku xooggan yihiin maleeshiyada Alshabaab iyo Daacish. Askarta dhaawaca ah iyo askariga dhintay meydkiisa ayaa la geyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Gaari kale oo safar ahaa kuna socday dhulka ka baxsan wadadda laamiga Gobolka Bari ay koox hubeysani weerar ku qaadeen salaaddi maqrib kadib, isagoo marayey duleedka magaalada Boosaso oo u jirta 55KM.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana goobta ka firxaday dadkii gaariga saarnaa qaarkood. Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo asaarin dhacdooyinka amni darro ee Gobolka Bari ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON