Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa qarax lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan Koofiyad casta.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyo, waxaa lagu qarxiyey Gaari uu la socday G/Dhexe Cumar C/raxmaan Abuukar oo ka tirsan saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana qaraxu ka dhacay Wadadda Afisyoone, isgoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Sarkaalka la qarxiyey ayaa hore u madax uga soo noqday qeybt 7-aad ee ciidamada Milateriga, waxaana qaraxa caawa lala beegsaday kasoo dhaawac culus, waxaa sidoo kale ku dhintay qaraxa hal askari, iyadoo laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen.
Sarkaalkan ayaa hadda ahaa madaxa ilaalada Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ka mida Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

