Qaraxyo iyo rasaas ayaa caawa laga maqlay meelo ka mida caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Qaraxyada ayaa ahaa Bam gacmeedyo lagu qarxiyay dhowr meelood iyadoo ciidamada ammaanka fureen rasaas fara badan khalkhal abuurtay.
Qaraxyo loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa caawa ka dhacay ayaa ka dhacay Isgoyska Aadan cadde, halkaasoo ciidamo ka tirsan NISA lala beegsaday, waxaana rasaas xoog leh kadib ay fureen ciidamada.
Qarax Bam gacmeed kale ayaa lagu weeraray xaafadda Barafuunka ee degmada Heliwaa, waxaana halkaasi laga maqlay rasaas la isu adeegsaday.
Lama soo werin qasaare ay dhaliyeed qaraxyada caawa gilgilay magaalada Muqdisho, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in ciidamo fara badan lagu daadiyay magaalada oo ay bilaabeen howlgallo xoog leh.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in howlgallo waaweyn laga sameeyo caasimadda oo xaaladeeda ammaan ay sii xumaaneysay maalmihii ugu danbeeyay.
Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay degmooyinka Gobolka Banaadir caawa oo isugu jira nabadsugid iyo Boolis, waxaana hadda socda howlgallo ammaanka lagu sugayo.
Maanta oo kaliya waxaa Muqdisho ka dhacay laba qarax oo baabuur loo adeegsaday, qaraxyo Bam gacmeedyo ay ku dhinteen 13 ku dhowaad 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjooge.com