Friday, April 19, 2024

Qaraxyo ka dhacay Hoyga Taliyaha NISA ee Degmo ka tirsan magaalada Muqdisho

Qaraxyo Miino ayaa ka dhacay Guriga uu degan yahay Taliyaha Ciidamada Hay’adda Sirdoonka NISA ee degmada Deyniile, magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in laba miino ay ku qarxeen saaka Hoyga uu Taliyaha NISA ka deganaa Xaafadda 77 ee degmada Deyniile, waxaana qarayxada ka dhashay Qasaare u badan dhaawacyo.

Waxaa Qaraxyada dhaawacyo kasoo gaareen taliyaha nabadsugida degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo taliyihii hore ee NISA ee degmadaasi Cumar Cabdi Fiidow, waxaa kaloo waxyeelo kasoo gaartay askar ilaalo u ahaa.

Ad

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyada saaka ka dhacay degmada Deyniile oo sidoo kale dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartay, waxaana goobta tegay ciidamada Amniga ee degmada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON