Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa ay qaraxyo waaweyn ka dhaceen magaalada Muqdisho, kuwaasoo laga maqlay daafaha caasimadda.
Laba qarax ayaa la sheegay inay ka dhaceen xerada saraakiisha ee degmada Dayniile, iyadoo rasaas xoog leh laga maqlayo xeryaha ciidamada, sida aagga Oodweyne, waxaana weli aan faahfaahin laga helin waxa ay qaraxyadaasi ahaayeen.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay qaraxyada kadib ay rasaas xoog leh oo muddo daqiiqado ah socotay ay halkaasi ka dhacday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen Bam gacmeedyo lagu weeraray Guriga Liibaan Madaxweyne oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka Warshadda Caanaha.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…