Garyaqaan Maraykan ah ayaa hor istaagay qorshe uu Aqalka Cad ku doonayay in uu ku soo afjaro barnaamij masaafurinta ka hor istaagaya carruurta ay waalidkood sida sharci darrada ah ku geeyeen Mareykanka.
Bishii Sabtembar ayuu madaxweyne Donald Trump taageerada kala laabtay barnaamijkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo Daca. Laakiin William Alsup oo xaakim ka ah maxkamad ku taalla San Francisco ayaa meelmariyay in sharcigan uu sii shaqeeyo in ay socoto dacwadda lagaga cabanayo qorshaha madaxweynaha.
Sharcigan masaafurinta ka difaacaya da’yarta muhaajiriinta ayaa la meelmariyay intii uu madaxweynaha ahaa Obama, ilaa 800,000 oo ruux ayuuna u fasaxaa in si ku meelgaar ah loo siiyo sharciyo ay ku shaqaystaan waxna ku bartaa.
Xaakimkan ayaa amray in waraaqaha loo cusboonaysiiyo dadkii horay uga faa’iidaysanayay sharcigan. Sikastaba ha ahaatee amarkan xaakimka ayaan waxba uga dhignayn dadkii aan horay faa’iidada ugu qabin sharcigaas.