Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay kiiska Dacwad ciqaabeed lagu soo oogay shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda Sahan Research ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi.
Dacwadda ayaa maanta furantay iyadoo ay dalka ka maqan yihiin dhammaan dadka lasoo eedeeyay oo kala ah lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin Ajaanib oo kala ah shaqaalaha iyo aasaasayaasha shirkadda SAHAN RESEARCH.
Shaqaalahan ayaa lagu soo eedeeyay falal ay ka midyihiin faafinta xogaha amniga Qaranka iyo basaasid siyaasadeed oo hoos tegaya qodobadda Xeerka Ciqaabta Soomaliyeed ee 1999-200-201-202-204-205-71.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer baafisay eedeysanayaasha oo ay ka mid yihiin: madaxda Hay’adda Matt Brayden oo hore uga tirsanaa Guddiga Monitoring Group ee UN-ka iyo Rashiid Abdi oo hore uga mid ahaa Hay’adaha Xasarada Dunid ee ICG, waxayna maxkamadda maanta u qabatay Qareeno u doodaya raggaasi.
Qareenadii ay Maxkamaddu u sameysay eedeysanayaasha Hay’adda Sahan ayaa fadhigii Mxkamadda ee maanta sameeyay is-hortaag ka dhan ah eedda xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, waxayna maxkamaddu ku soo afmeertay fadhigan inay qaraar ka soo saareyso is hortaagaas ay keeneen qareenada difaacaya eedeysanayaasha.
Lifaaq Hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir
Maanta oo taariikdhu tahay 29/05/2021 Maxkamadda G/banaadir waxa ay u fariisatay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee sumaddiisu tahay MGB/DDL/179/2021, kaas oo eedeysanayaal ka yihiin lix qof oo 4 ka mid ah ay yihiin ajaanib, kuwaas oo dhamaantood ahaa shaqaalihii iyo asasaasayaashii shirkada SAHAN RESEARCH, laguna eedeynayay falal ay ka mid yihiin faafinta xogaha amaniga qaranka iyo basaasid siyaasadeed loona heystay in ay ku xad gudbeen Qod. 199-200-201-202-204-205-71-XCS, iyagoo dhamaantood ay yihiin maqanayaal horayna ay Maxkamaddu u sameysay baafin iyo u yeeritaan laakin ay imaan waayeen, Maxkamadduna ay u qabatay Qareeno difaaca eedeysanayaashaas.
Qareenadii ay Maxkamadda u sameysay eedeysanayasha Sahan ayaa fadhigii maanta sameeyay is-hortaag ka dhan eedda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, waxayna Maxkamaddu kusoo afmeertay fadhiga inay dib qaraar uga soo saari doonto is-hortaagga Qareenada.

