Qarax is-miidaamin ahaa oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho oo ah bar koontrool laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho dhaawac iyo burbur.
Wararkii ugu horeeyay Qarax oo lo adeegsaday Gaari qarax sidau oo dhex galay Isgoyska Sayid oo gaadiid badan lagu joojiyo, laguna baaro, halkaasoo uu ku qarxay, waxaana qasaare weyn kasoo gaaray gawaaridii safka ku jirtay, iyadoo qaar ka mida ay gubteen, waxaana ku dhintay dadkii la socday baabuurtaasi oo ciidamada ay halkaasi ku celiyeen.
Qasaaraha qaraxan oo ay sheegatay Alshabaab ayaa ilaa iyo hadda gaaraya dhimashada 4 qof iyo dhaawaca oo ka badan 10 kale. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere ayaa sheegay in Gaariga qaraxa geystay lagu doo dhejiyey qarxa ee aanu ahayn mid is-miidaamin ah ama qarax laga soo buuxiyey.
Wuxuu intas ku datay in marka uu gaariga qaxrxay uu ku jirya safka baarista isagoo dhaliyey dhimashada 3 qof iyo dhawac 6 ruux oo kale. Burbur xoog leh ayaa soo gaaray Gaadiidka ku sugnaa Isgoyska iyo barta Koontool iyo dhismayaasha ku dhow halkaasi, iyadoo ay muuqatay inuu ka weynaa qaraxyada lagu dhejiyo baabuurta.
Qaraxan ayaa imaanaya laba toddobaad kadib qaraxii weynaa ee Ex. Kontrol Afgooye oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof. Afhayeenka Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay qaraxa la beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku mashquulsan qabanqaabada shirar Dalxiiska dalka looga hadlayo iyo xuska maalmaha xoriyadda oo 6 bilood ka harsan tahay iyadoo dhinaca Amniga aanay soo hadal qaadin madaxda sare ee dalka.