Tuesday, June 24, 2025

Qasaaraha Qarixii Dugsiga Booliska oo kordhay & Alshabaab oo sheegatay inay dishay 27 sarkaal

Wararka laga helayo isbitaallada Muqdisho ayaa sheegaya in qasaaraha qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saaka lagu qaaday dugsiga sare ee Booliska Muqdisho uu sii kordhay.

Saraakiisha caafimaadka  ayaa sheegay inay arkeen meydka 13 askari oo Boolis ah iyo is-miidaamiyaha jirkiisa, halka saraakiisha ammaanka ay goor dhoweyd sheegeen in dhimashada ay gaartay 18.

Askarta qaraxa ku dhintay waxaa ku jira saraakiil haween ah, askar iyo saraakiil kale oo Booliska xilal ka soo qabtay, wuxuuna qaraxa ku dhacay xilli ay isu diyaarinayeen inay sameeyaan bandhig gaada-ka-cayaar ah.

Alshabaab ayaa sheegtay qaraxa, waxayna qoraal ay soo saartay ku caddeysay inay ku dishay 27 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska markii is-miidaamiye ka  tirsan uu isku  dhex qarxiyay ciidamada dhexdooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON