Qasaarihi ugu badnaa maalin qura ayaa ka dhashay dagaalkii maanta ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa lagu soo warramayaa in dagaalka ay ku dhinteen 7 qof oo u badan askartii dagaalameysay iyo dhaawac 14 ka badan la dhigay Isbitaalada Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.
Duqeyn madaafiicda ayaa gaartay guryo iyo masaajidyo ku yaala xaafadda Garsoor ee magaalada GaaLkacyo, waxaana cabsi cusub la soo deristay dadka magaalada oo ka walaacsan sii socoshada dagaalka.
SAWIRRO