Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerar lagu qaaday Gaari BL ah nooca Homey oo ay saarnaayeen dad shacab ah.
Weerarka ayaa ka dhacay duleedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo gaarigaasi ku sii jeedan Gobollada Dhexe, kana magaalada Muqdisho. Waxaa lasoo weriyey in Qasaare kala duwan ka dhashay weerarka.
Wararka ayaa sheegay in weerarka lagu dhaawacmay afar qof oo ka mida dadkii gaariga saarnaa oo ay ku jiraan Hooyo iyo Canug yar oo ay dhashay, iyadoo dadka dhaawaca ah loo qaaday Isbitaalka magaalada Beladweyn.
Koox maleeshiyo hubeysan ayaa lagu eedeeyay inay weerarka ka danbeeyeen, waxayna ka baxsadeen markii ay falkaasi geysteen iyadoo aan la ogeyn ujeedkooda.