Wararla laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegaya in arday Soomaali ah oo ay deeq waxbarasho u dirtay dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin ku qabsadeen dalka Itoobiya.
Ardaydan oo magaalada Muqdisho ka dhoofay, lagana soo xulay hay’adaha dowladda sida la sheegay ayaa muddo toddobaad ah ku dayacan magaalada Addis ababa, kadib markii loo sheegay in xilligii qaadashada ardayda ee Jaamacadaha Itoobiya uu dhammaaday.
Qaar ka mida ardaydaasi ayaa sheegay inay ku xayiran yihiin hotel ku yaalla magaalada Adis ababa oo halkaasi looga dhaqaaqay, iyagoo aan heysanin jaamacadihii loo sheegay inay helayaan, isla markaana kharashka ay iyaga iska bixiyaan.
Saxaafadda magaalada Muqdisho ayay u sheegeen qaar ka mida ardaydaasi in iyagoo gaaraya 20 ardayd ah wada degan yihiin hal hotel, iyagoo ugu baaqeen dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah arintooda u soo farageliso.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA SAGOOTIN MUQDISHO LOOGU SAMEEYAY